Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Aug. 09 (Jowhar.com)-Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayay, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusomareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Xasan Macalin Wasiirka Caddalada iyo Dastuurka oo ka soo jeeda degmada Ceelbuur ayaa u tagay magaalada Dhuusomareeb ka qeybqaadashada howlgalka lagu doonayo in ay kula wareegto degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo deegaannada kale ee hoostaga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sabtidii aynu ka soo gudubnay waxa uu gaaray magaalada Dhuusamareeb,si uu halkaasi uga hoggaamiyo howlgalka la doonayo in bariga Galgaduud looga saaro Al Shabaab.

Ciidamo kala duwan ayaa sidoo kale ku sii qulqulaya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud iyagoo doonaya inay ka qeybqaataan gulufka ugu dambeeya ee Alshabaab loogaga saarayo gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More