Deni, Karaaash iyo gudoomiye C/rashiid oo heshiis gaaray

Dec 19 (Jowhar.com)-Magaalada Garowe waxaa xalay heshiis ku saabsan doorashada ku gaaray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Karaash iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Bayaan ka soo baxay aqalka madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dhinacyadan ay heshiis ka gaareen jiheynta doorashada muranka badan dhalisay ee 2024-ka.

Madaxda ayaa ku heshiiyey qodobada soo socda :

1. In Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

2. In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo muddo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More