Doorashada afar kursi oo ka tirsan Aqalka Sare oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Afar kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo doorto magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Guud ahaan ammaanka magaalada ayaa la adkeeyay waxaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah lagu qabto doorashada Afarta kursi ee Jubbaland uga harsan kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shalay oo Arbaco aheyd diiwaangeliyay musharixiinta Aqalka Sare, kuwaas oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

Xildhibaannada Jubbaland ayaa marka hore waxa ay dhageysan doonaan khudbadaha mushariixiinta,iyadoo kadibna la gudo geli doono doorashada Afarta kursi oo ay ku tartami doonaan 8 musharax oo kala ah.

1: Layla Nuux Maax

Xareedo Maxamed Sheekh

2: Ibrahim Awgaab Cismaan

Farxiya Macalim Cabdi

3: Maryan Faarax Kadiye

Samsam Maxamed Bishaar

4: Xasan Daahir Yarow

Cabsi Xuseen Cali.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More