Wararkii ugu dambeeyay howlgalo ay ciidamada dowlada ka fuliyeen gobolka Shabelaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyeen deegaannada Basra, Buulo-kuute iyo deegaaanno kale oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta ay howlgalka wadeen ciidanka xoogga dalka ayaa ku burburiyeen fariisimo ay la haayeen argagixisada.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa fariisimo ka sameystey deegaano ay hore ugu sugnaayeen ururka Alshabaab.

Sarkaal u hadlay ciidamada qeybta 27aad ayaa sheegay in howlgalka ay ku qaarajiyeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska ee xoogga dalka ,oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay ku burburiyeen xarumo ay dagaalamayaasha Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Baqdaad oo ka tirsan degmada Balcad.

Ciidanka Kumaandooska ayaa waxa ay sheegeen in gacanta ku dhigeen ,hub ay maleeshiyadu halkaasi uga carareen.

Abaanduullaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Aadan Jeelle, oo Howlgalkan hogaaminayay ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen,islamarkaana ay ku raad-joogaan kuwii ka firxaday deegaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More