Dowlada Federalka oo shaacisay inay gurmad gaarsiineyso dadka ay abaaruhu saameeyeen

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay xukuumadda Federalka Soomaaliya qaadeyso tallaabooyin deg-deg ah oo loogu gurmanayo dadka abaaruhu ay saameeyeen ee Dowlad-goboleedka Jubbaland deegaanno hoostaga.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warkan ka sheegay kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah wasiirada xukuumada federalka Soomaaliya.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Rooble ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga ah in ay kaqeybqaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameyeen ee ku nool dowlad goboleedka Jubbaland.

Inkastoo roobabka deyrta ay ka curteen gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa hase yeeshee waxaa gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose laga soo sheegayaa inay ka jirto abaar daran taasoo saameysay kumanaan xoolo dhaqato ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More