Mw ku xigeenka Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Mashruuca Horumarinta Degmooyinka JPLG

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Paul Simkin.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka ee Puntland ka socda , sidii la iskaga kaashan lahaa Maamul baahinta guud ee degmooyinka iyo doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Puntland.

Gabagabadii Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda ayaa uga mahadceliyey wada-shaqaynta buuxda ee ka dhexeeysa Dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ku ah mashruucaan waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Dowlad ahaan joogtaynta iyo sare u qaadista mashruuca.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More