Dowladda Soomaaliya oo codsatay in dib loo dhigo barnaamijka dib u eegista dhaqalaha

May 07 (Jowhar.com)– Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF inay dib u dhigto barnaamijka ay dib u eegista ugu sameyneyso dhaqaalaha dalka oo lagu waday inuu ku ekaado bartamaha bisha May ee sanadka 2022-ka, iyadoo laga dalbaday iney mudo kordhinn 3 bilood ah sameeyaan oo ku beegan 17-ka Augosto, 2022-ka.

Warqad ay si wada jir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cabdiraxmaan Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayay sababta ku sheegeen dib u dhacyada hareeyay doorashada ay saameysay shaqooyin badan ay qaban lahaayeen oo ay qeyb ka tahay iney sameeyaan dib u eegis tan iyo November 2020.

Hoggaanka IMF ayaa la filayaa iney go’aan ka gaaraan in dib u dhaca doorashadu uu noqon karo sabab macquul ah oo ku saabsan codsiga muddo kordhinta ee dhanka dowladda, waxaana la filayaa iney jawaabtooda soo warceliyaan kahor inta aan la dhisin dowladda cusub guud ahaan.

Si kastaba, taageerada dhaqaale ee ka imaneysay hay’ada lacagta adduunka ee IMF saddexdii sano ee la soo dhaaafay oo gaareysa $400-milyan (380-million-euro) ayaa ku eg bartamaha bishan May, iyadoo dalka uu gali karo khatar hadaan dowlad cusub la soo dhisin oo howsha halkeeda ka sii wada, balse hadii taasi ay dhici weyso waxey la dhigan tahay inuu hakad galo barnaaminka deyn cafinta oo marxaladihii u sanbeeyay maraya xiligan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More