Wararkii u danbeeyay koox hubeysan oo dil ka geysatay Beledweyn

May 07 (Jowhar.com)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dil xalay fiidkii ay koox hubeysan ay ka geysatay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in qofka la dilay uu ahaa askari ka tirsan ciidamadda dowladda, kaasoo si weyn looga yaqaanay xaafadaha magaalada Beledweyn, iyadoo weerarka kadib ay goobta isaga carareen kooxihii Bistooladaha ku hubeysanaa ee falka toogashada ah geystay.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Shuute Cabdullaahi ayaa kamid ahaa askarta ugu firfircoon ee saldhigga booliska magaalada Beledweyn, iyadoo meydkiisa maanta la filayo in aas loogu sameeyo qabuuraha ku yaala duleedka xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada amaanka ee magaalada oo toogashada kadib tegay halka falka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaana ah, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka geystay oo si nabad ah goobta uga baxsatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More