Golaha Amaanka oo ku baaqay in si adag loo ciqaabo kuwa dhaqaalaha siiya Shabaab

May 07 (Jowhar.com)–Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si kulul uga hadlay weerarkii askarta badan lagu laayay ee 3-dii bishan ka dhacay saldhig ay ciidamada Burundi ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh.dhexe.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay Jimcihii ugu tacsiyadeeyeen qoysaska iyo ehelada askartii reer Burundi ee ku naf-waayay weerarkaasi, iyagoona caafimaad u rajeeyay kuwa kale ee ku dhaawacmay, iyagoo sheegay iney taageersan yihiin dadaalka ay Dowladda Somaliya iyo Hawlgalka ATMIS isaga kaashanayaan ka hortagga halista Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay dib u xaqiijiyeen in argagixisanimadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaal kasta ay leedahayba inay khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamiga ah Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay mar kale ku celiyeen in dhammaan falalka argagixisanimadu ay yihiin dembiyo aan qiil loo raadin karin, iyadoo aan loo eegayn waxa ku kalifay, meesha laga gaystay, goorta la gaystay iyo cidda gaysatayba” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay soo jeediyeen in lala xisaabtamo oo la ciqaabo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiya falalka argagixiso ay Al Shabaab gaysanayaan, iyadoo weerarkii Xerada Ceel-baraf ay mar kale indhaha dunida ku soo jeedisay Somaliya iyo inuu caalamka garowshiyo ka bixiyo in laga gaabiyay dagaalkii lagula jiray Al Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More