Duqa Muqdisho oo kulan muhiim ah la yeeshay madaxda degmooyinka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah oo isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka iyo deegnada gobolka Banaadir.

Kulankan oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu ka dhagaystey warbixino ku saabsan xaaladaha degmooyinka iyo deegaanada hoos yimaada gobolka Banaadir.

Waxaa kulankan goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa sugida nabadgalyada, la dagaalanka isticmaalka maandooriyaasha, ka hortaga rabshadaha, dib u furista wadooyinka sida sharcidarada loo dhistay, Kor u qaadista Nadaafada iyo isku xirka degmooyinka,

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More