Duqeymo iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood

Apr. 25 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay madaafiic ciidanka Somaliland ay manta ku garaaceen qeybo kamid ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaafiic oo qaarkood ku dhacay guryo ay dad shacab ah dagan yihiin ayaa la soo sheegayaa iney dhaliyeen khasaare dhaawacyo ah, goobjoogayaal ayaa kusoo waramay in dad gaaraya 20 ruux ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay madaafiicdan oo laga soo tuuray aagga saldhigga Gooja-Cade oo fariisin weyn u ah Somaliland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Sidoo kale dagaal kooban uu dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka, lama oga khasaraaha labada dhinac kala gaaray, maadaama xaaladu wali ay tahay mid kacsan.

Duqeynta maanta ayaa imaanaysa xilli ay dhawaan hay’adda xuquuqda bini’aadamka ee “Human Rights Watch” ay soo saartay warbixin tacadiyo ka dhan ah aadanaha kuwaasi oo ciidamada Somaliland ay magaalada ka gaysteen.

Inkabadan saddex bilood ayey socdaan dagaaladan, mana muuqato wax xal ah, Ramadaankii kadib labada dhinac ayaa hawada isu mariyay hanjabaada in dagaaladu ay sidii hore ka cuslaan doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More