Ergeyga dowlada Qatar oo la kulmay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta

Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa caawa kula kulmay hotel Decale xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Xubnaha ka socday golaha midowga musharaxiinta ee kulanka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Sheekh Maxamud,Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimaha siyaasada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee dowlada Qadar ayaa ka dhagaystay musharaxiinta uu la kulmay cabasho ka dhan ah dowlada Qatar oo lagu tiriyo inay xiriir dhow la leedahay Madaxweynaha xiligiisu uu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa waxa ay sheegayaan in ergeyga dowlada Qatar uu u xaqiijiyay musharaxiinta in xukuumadiisu ay dhexdhexaad ka noqon doonto arrimaha siyaasada dalka,balse xukuumadiisu ay ka go’an tahay inay taagero siiso shacabka Soomaaliyeed.

Ergeyga ka socda dowlad Qatar ayaa hore waxa uu kulamo ula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka,waxaana lagu wadaa kahor inta aysan dalka ka ambabaxin inay la kulmaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More