Maxkamada Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay 5 ruux

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa ku xukuntay shan ruux xukun dil ah kadib markii lagu helay inay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab.

Raggan la xukumay ayaa kala ah Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib), Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla), Maxamed Cali Cawke (Jeeri), Maxamed Cabdullaahi Ayaanle(Abbeyle) iyo Qaasim Jaylaani Al-turaabi.

Dhagaysiga dacwada raggan ayaa ka socotay muddo labo cisho ah magaalada Gaalkacyo.Balse waxa ay maxkamadu sii deysay afar ruux kadib marki lagu waayay dambiga lagu soo oogay oo ahaa Alshabaabnimo.

21kii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa sidan oo kale Maxkamada Ciidamada Puntland waxa ay ugu xukuntay shan ruux oo badankood dhalinyaro ah dil kadib markii ay maxkamadu sheegtay inay falal dil ah ka geysteen Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More