Faahfaahin afar walaalo ah oo ku geeriyooday ceel biyood

Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in lagu guuleystey in laga soo saaro meydadka afar nin oo walaalo ah oo ku dhacay ceel ku yaal deegaanka Faafan.

Afar Nin oo walaalo ahaa ayaa isku mar ku geeriyooday ceel biyood ay ku dhaceen, kaas oo ku yaalla tuulada Hora-hawd oo u dhaw magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.

Raggan geeriyooday ayaa la sheegay inay qodayeen ceel biyood iyagoo ku waraabinayay biyaha beer ay ku lahaayeen togga Faafan.

Ehellada Afartan nin ee dhintay ayaa sheegay in saacado kadib markii ay ceelka ku dhaceen la ogaaday, kadib markii uu kusoo wargeliyay mid kamid ah Shaqaalaha Beerta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More