Faahfaahin ka soo baxaysa madaafiic lagu garaacay magaalada Baraawe

Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in tiro hoobiyaal ah lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Baraawe xilli ay ka socotay doorashaa qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka.

Illaa saddex madfac ayaa la sheegay in lagu dhuftay magaalada iyadoo labo ka mid ah ay ku dhacday meel aan ka fogeyn xarunta ay ka socotay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka.
Ciidamada dowlada ayaa rasaas uga jawaabay goobihii ay ka soo dhacayeen madaafiicda waxana uu xaalku yahay haatan mid degen.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhintay madaafiicda, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, sida uu kusoo warramayo Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa gebi ahaan hawada laga saaray Isgaarsiitii Baraawe, isla markaana waxaa Magaalada dul-heehaayaba diyaaraddo nooca Helikobter-ka oo ay leeyihiin Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana weli cakiran xaaladda Baraawe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More