Facebook oo tirtirtay qoraal uu Abiy Ahmed dhigay kaasoo ku baaqayay in la aaso TPLF

Shirkadda Facebook ayaa tirtirtey qoraal uu dhigey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaddib markii uu ku xad-gudbay siyaasada Facebook ee ka dhanka ah hurinta rabshadaha.

Axadii, Abiy Axmed ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay hubka qaataan si ay uga hortagaan horusocodka jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Kooxda TPLF ayaa dagaal muddo sanad ah socday kula jirta ciidamada dowlada, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay qabsaday magaalooyin muhiim ah.

Facebook ayaa lagu dhaleeceeyay in uu ku guul daraystay in uu wax badan ka qabto sidii loo joojin lahaa bartiisa in lagu huriyo rabshadaha.

Qoraalka uu geliyay bogga uu ku leeyahay Facebook Mr Abiy ayuu ku sheegay in horusocodka fallaagada ay dalka ku riixayaan inuu burburo.

wuxuuna ku boorriyay muwaadiniinta inay abaabulaan oo ay maraan qaab kasta oo sharci ah oo leh hub iyo awood kasta… si ay uga hortagaan, una aasaan TPLF.

Af-hayeen u hadlay Facebook, oo shirkadiisu ay dhawaan magacawday Meta, ayaa BBC-da u sheegay: “Waxaa nalagu wargeliyay qoraal uu qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waana ka saarnay tan markii uu ku xad-gudbay siyaasaddeenna ka dhanka ah kicinta iyo taageeridda rabshadaha.”

“Meta, waxaan ka saarnaa macluumaadka shaqsiyaadka ama hay’adaha ku xadgudba Heerarka Bulshada, iyada oo aan loo eegin cidda ay yihiin.”ayuu soo raaciyay.

Dukumentiyo badan oo la faafiyay bishii hore ayaa lagu sheegay in Facebook looga digay in barnaamijkeeda ay adeegsadaan kooxaha hubaysan ee Itoobiya si ay u huriyaan rabshadaha ka dhanka ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay.

Kumanaan kun oo qof ayaa lagu dilay dagaallada ka socda Itoobiya, malaayiin kalena waa ay ku barakaceen, boqolaal kun oo kalena waxaa soo food saartay xaalad macaluul, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dagaalka ayaa qarxay 4-tii Noofambar ee sanadkii hore, markaasoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy uu amar ku bixiyay duullaan militari oo ka dhan ah ciidamada gobolka Tigray.

Wuxuu ku andacoodey in dowladiisa ay arrintaasi jawaab ka bixisay weerar lagu qaaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Kooxda TPLF ayaa loo aqoonsaday urur argagixiso, halka ay sheegtay in ay tahay dawladda saxda ah ee Tigrayga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More