Gabar yar oo laga soo saaray minka hooyadeed oo mayd ah oo geeriyootay

April 26 (Jowhar.com)- Ilmo yar oo maalmo kahor qaliin looga soo saaray iyadoo nool caloosha hooyadeed oo mayd ah ayaa maanta geeriyootay.

Saabiriin ayaa qaliin looga soo saaray uurka hooyadeed oo ku dhimatay duqeyn Israa’iil ka gaysatay Koonfurta Qasa, qaliin kaas oo lagu sameeyay isbitaalka Shifa habeenimadii Axadda.

Dhakhaatiirta ayaa neef siinayay ilamaha yar si ay u hawlgalaan sambabada oo shaqadoodu yarayd. Si kastaba ha ahaatee, gabadhan yar markii ay dhimatay, waxana lagu dhinac xabaalay hooyadeed. Ninkeeda Shukri iyo gabadhooda Malak oo saddex jir ah ayaa la dilay.

Saabiriin waxa ay kamid ahayd 16 caruurra oo lagu dilay labo duqeyn oo xagga cirka ah oo lagu qaaday Rafax, todobaadkii hore dhammaad kiisii. Dhammaantood waxa ay ku dhinteen duqeyn lala beegsaday dhismihii ay daganayeen.

Ugu yaraan 34,356 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 77,368 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More