Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Laascaanood

Apr. 15 (Jowhar.com)-Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Laascaanood ku dishay nin ganacsade ahaa oo aad looga yaqaanay gobolka Sool.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jaamac Cilmi Kadiye  (Jaamac Qaxooti), ayaa ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee ku dhaqan magaalada Laascaanood, iyadoo kooxo hubeysan ay ka toogatay qeybaha sare ee jirka, kuwaasoo goobta isaga baxsatay.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa daqiiqado kadib gaaray ciidamadda SSC, iyagoo sameeyay howlgalo baaritaana ah, waxeyba ku guul dsrrysteen iney soo qabtaan danbiilayaashii falkaasi ka danbeeyay.

Dilkan ayaa noqonaya kii 3aad ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Laascaanood tan iyo 22-kii bishii December oo Somaliland laga saaray xarunta gobolka Sool.

Dilalkii hore uga dhici jiray Laascaanood waxaa dusha laga saari jiray Somaliland, iyadoo dadku ay isweydiinayaan cida haatan toogashada ka wada magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More