Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay safiirka Imaaraatka Carabta

May 07 (Jowhar.com)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Maxamed Axmed Othman Al Hammadi oo ah safiirka dalka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya.

Ugu horeyn, Guddoomiyaha ayaa safiirka ka guddoomay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee loo doortay 27-kii bishii hore ee April.

Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa danjiraha Imaaraadka Carabta kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Si kastaba, Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, walow 5 tii sano ee lasoo dhaafay uu xumaa xiriirka xukuumadaha Abu Dhabi iyo Muqdisho, sababo la xiriir khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex-galay dowladda Farmaajo iyo Imaaraadka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More