Golaha Shacabka oo ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 Sep

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa codsiga madaxweynaha kaddib u codeeyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 Sebtembar waxayna ku waafaqeen madaxweynaha.

Dhamaan xubnihii fadhiyay ayaa u wada codeeyay mana jirin ka hor timid. Bartamihii bishii la soo dhaafay ayay xildhibaanada golaha shacabka waxa ay ansixiyeen doorashada qof iyo cod oo muddo labo sano gudahood ah dalka ka dhacaysa,hase yeeshee waxaa ka horyimid maamul goboleedyada dalka,musharaxiinta iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee hannaanka doorashada dadban.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More