Guddiga FEIT oo 200 xildhibaan siiyay shahaadada rasmiga ah.

April 10 (Jowhar.com)- Waxaa si dar dar leh ku socota shahaado siinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, xili 4 cisho oo kaliya ay ka harsan tahay waqtigii lagu balamay in la dhaariyo mudanayaashan la soo doortay.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen waxey ku sheegeen in ay haatan shahaado siiyeen 200 xildhibaan oo golaha shacabka iyo aqalka sare, iyagoo tilmaamay in dalka doorasho uu aaday.

“Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan, isku darka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay. Dadweynoow doorashaa loo dareeray!” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha maanta shahaadooyinka xildhibaanimo qaatay waxaa kamid ah C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/Samad Macalin Maxamuud iyo Khadiijo Al-Makhsuumi, iyadoo ilaa iyo haatan aan la xalin tabashada reer Koofur Galbeed, kuwaasoo hore u sheegay ineysan shahaadooyinka qaadan doonin inta laga fasaxayo saddexda kursi ee laga xanibay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More