Ra’iisul wasaarihii Pakistan Imran Khan oo mooshin lagu riday.

April 10 (Jowhar.com)-Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay ra’iisul wasaarihii dalkaasi Imran Khan, kadib 14 saacadood oo ay socotay dood ka dhalatay mooshin codka kalsoonida loogu weydiinayay xildhibaanada, taasoo keentay iney u diidaan.

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah xubnaha isbaheysigiisa ayaa ku eedeeyay ninka la eryay Khan inuu ku fashilmay dhaqaalaha sii liicaya ee Pakistan iyo in uu ka dhabeeyn waayay ballan-qaadyadi uu sameeyay intii uu socday ololihii isaga lagu soo doortay.

Baarlamaanka dalkaasi ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Isniinta ay deg deg u soo magacaabayaan ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi oo dadkiisa ay dhan yihiin 220 milyan oo ruux.

Wararka waxey sheegayaan in shaqsiga badali karo Cimraan Khaan uu ka imanayo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka, uuna noqon karo Shehbaz Shariif oo ay walaalo yihiin Ra’isal wasaarihi hore ee dalkaas Newaz Shariif.

Imran Khan oo ah 69 jir ayaa xakumayay Pakistan muddo ka badan 3 sano, waxaana lagu wadaa in aarlamaanku nuu Isniinta berrito ah soo doorto ra’isulwasaare cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More