Guddoomiyihii Jaamacadda Zamzam Prof Warfaa oo geeriyooday

Allaha u naxariistee Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Gudoomiyahii Jaamacada ZamZam Prof. Axmed Muumin Warfaa oo ka mid ahaa aqoonyahnada Soomaaliyed.

Prof Warfaa ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Prof. Warfaa ayaa kamid ahaa aqoonyahnada soomaaliyed ee dhinaca beeraha, sidoo kale waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jaamacada Hiiraan.

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku taqasusay cilmiga beeraha muddo badan macalin ka ahaa jaamacad ku taal dalka Mareykanka.

Allaha u naxariistee Proff Warfaa ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More