Gudoomiye Dhabancad oo diiday in Hoolka laga saaro xildhibaanada lagu soo doortay ee Ceelwaaq

April 27 (Jowhar.com)-Guddomiyaha Ku meel gaarka ah Golaha Shacabka Cabdisalaam Xaji Dhabancad ayaa diiday in laga saaro Hoolka Doorashada Xildhibaanada Ceelwaaq lagu soo doortay.

Dhabancad ayaa ku adkeysanaya in xildhibaanada Ceel Waaq lagu soo doortay ay la mid yihiin xildhibaanada kale oo dhan aysan suurtogal ahayn in iyaga kaliya loo diido inay codka dhiibtaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku afuray gudaha hoolka Afisiyoone waxaana weli la sugayaa in heshiis laga gaaro khilaafka salka ku haya xildhibaanada laga soo doortay CeelWaaq.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More