Haweeney qaniinyo ku dishey ninkeeda magaalo ku taal dalka Kenya

Dalka Kenya oo ay ka dhacaan arrimo aad unaxdin leh ayaa sida ay daabaceen wargeysyada dalka Kenya haweeney ayaa ilkaheeda ku dishey seygeeda kadib markii ay murmeen xilli saq dhexe ah.

Arrintan oo dhacday Axadii xilli habeen ah ayay haweeney 27 jir laguna magacaabo Violet Asale u adeegsan hub aan macquul ahayn oo nolosha ninkeeda ka gaabiyey.

Markii ay ogaatay inuu gariir ku dhacay oo uu ku sii siqayo dhimashadiisa, Violet waxay ninkeeda ula carartay xarunta caafimaadka ee Kahawa Garrison, laakiin waxay ahayd goor dambe in la badbaadiyo ninkii oo wuu geeriyooday.

Ninka qaniinyada u dhintey oo ahaa 37 sano jir Daniel Omollo Onyango ayaa ka mid ahaa ciidamada Milatariga Kenya oo saldhiggiisu yahay xerada Gilgil KDF, wuxuu ku dhintay gurigiisa oo ku yaal Kahawa Wendani oo ka tirsan degmada Kiambu ee degmada Ruiru, markii haweeneydu ka qaniintey suulka, laabta iyo garabka.

Dadka deriska la ah qoyskan agagaarka Makiwanga ee Kahawa Wendani ayaa sheegay in marxuumka markii ugu dambeysay la arkay isaga oo u muuqda mid murugaysan isla markaana isku buuqsan, xilli dambe oo habeenkii ah ayaa qaylo laga maqlay gurigooda balse lama oga illa hadda khilaafka u dhexeeyey lammaanahan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More