Akhriso;Qoraalka ay Xeer Ilaalinta Qaranka ku joojisay dacwadii loo haystay Cabdirashiid Janan

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan) oo loo heystay dambiyo ka dhan ah Bani’aadanimada, kaasoo horay Xeer Ilaalinta ugu soo oogtay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee uu eedeysane ka ahaa C/rashiid Janan.

Qoraalka ay ku xirtey gal dacwadeedka Xeer Ilaalinta ayna ku aqbashay Maxkamada gobolka Banaadir ayaa la soo saaray kahor inta uusan soo gaarin magaalada Beled Xaawo Cabdirashiid Janan 24kii bishii hore.

Dowlada Federalka ayaa hore u sheegtay in Cabdirashiid Janan uu dambiyo waaweyn ka galay dalka sidoo kale waxaa Cabdirashiid Janan oo Madaxweynaha Jubbaland ka qaaday xilka wasiirnimadii Amniga Jubbaland hore ugu eedeysay Amnesty International in uu galay dambiyo dhinaca bani’aadanimada la xiriira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More