Hirshabelle oo shaacisay dib u dhac ku yimid doorashada 11 kursi

Mar 7 (Jowhar.com)=Guddiga Doorashoada Hirshabelle (SEIT) ayaa shaaciyay dib u dhac ku yimid doorashada 11 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka kuwaasoo hore loo shaaciyay in ay dhacayso 8da iyo 9ka bishan.

Qoraal kooban oo la soo dhigey barta Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa u qornaa sidan;

“Guddiga Doorashoada Hirshabelle (SEIT) Waxuu Ogaysiinayaaa dhamaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed.Guddigu dib ayuu ka soo shaacin doonaa Jadwal kale oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Jadwal hore uu u shaaciyay guddiga doorashada Hirshabelle ayaa waxaa maanta oo ah 7da bisha March ku asteysneyd in la qaban doono araajida musharaxiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More