Hirshabelle oo soo bandhigtay nin kasoo goostay Al-Shabaab

Hirshabelle oo soo bandhigtay nin kasoo goostay Al-Shabaab

Mar. 23 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow oo magaciisa afgarashada ee Shabaab uu yahay Jacfar uu isku soo dhiibay ciidamadda ku sugan magaalada Jowhar.

Ninkan oo wareysi uu bixiyay ku sheegay in uu ka tirsanaan jiray Jabhaadka Shabaab ee gobolka Hiiraan oo uu sheegay in uu amiir ka yahay nin lagu magacaabo Cabaas, ayaa tilmaamay inuu jab xooggan kasoo gaaray dagaaladii u danbeeyay ee dowladda iyo macwuusleey qaadeen.

“Anigoo fahansaneyn waxyaabaha dadka ku qaldayaan ayay igu duufsadeen oo waxay igu yiraahdeen Jihaad ayaa jiree kusoo biir, waxaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo kala duwan, kuwa ugu waaweyn waxaa kamid ahaa gobolka Mudug, Bacaadweyne iyo Wisil.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Saraakiisha laamaha amaanka ee ninkan gacanta ku heysa ayaa sheegay iney u gudbin doonaan magaalada Muqdisho, si NISA ay ugu sii gudbiso goobaha lagu dhaqan celiyo xubnaha Shabaabka ah.

“Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow waxaa lagu wareejin doona hay’adda Nabad-sugida si loo soo marsiiyo dhaqan-celin.” ayey yiraahdeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More