Inkabadan 70 ruux oo ku dhimatay Duufaan ku dhufatay dalka Maraykanka (Sawiro)

Barasaabka gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in in ka badan 70 qof ay ku dhinteen duufaano xoog leh oo ku dhuftay gobolkaas.

Andy Beshear ayaa sheegay in tiradaasi ay kor u dhaafi karto 100 ruux waxa uu ugu yeeray duufaanadii ugu xumaa ee soo mara gobolka.

Tobannaan qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen gudaha warshadda shumaca ee magaalada Mayfield. Mr Beshear ayaa xaalad degdeg ah kaga dhawaaqay Kentucky.

Wuxuu sheegay in duufaantan ay ahayd tii ugu dhimashada badnaa ee abid soo mara gobolka.

“Waa wax aan la sifayn karin, si ka duwan wax kasta oo aan weligay arkay,” ayuu yiri.

“Waxaad arkaysaa qaybo ka mid ah dhismayaasha warshadaha, saqafyada, geeduhu oo ay duufaantu la tagtay”.

Dhimasho ayaa laga soo sheegay dhowr degmo, laakiin khasaaraha nolosha ee warshadda Mayfield ayaa ka badan karta dhacdo kasta oo duufaanno ah oo ka dhacda hal goob taariikhda gobolka, ayuu hadalkiisa raaciyay. In ka badan 100 qof ayaa ku sugnaa gudaha markii uu dhacay.

Mr Beshear waxa uu sheegay in 40 qof laga soo badbaadiyay warshada, balse ay xaaladu tahay mid aad u daran.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in laga war helay duufaanta subaxnimadii Sabtida.

“Inaad ku waydo qof aad jeceshahay duufaan sidan oo kale ah waa masiibo aan la qiyaasi karin,” ayuu yiri. “Waxaan kala shaqeyneynaa

Guddoomiyeyaasha si aan u hubinno inay helaan waxay u baahan yihiin iyadoo raadinta kuwa badbaaday iyo qiimeynta waxyeelada ay sii socoto.”

Booliisku waxay sheegeen in duufaantu ay khasaare laxaad leh ka geysatay guud ahaan qaybaha galbeedka ee gobolka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More