Inkabadan Afar Milyan qof oo ay saameeysay abaarta ka jirta Soomaaliya

April 04 (Jowhar.com) –Dowladda Mareykanka ayaa soo bandhigtay tirada dsdka Soomaalida ah ee uu saameeyay abaarta ka jirta dalka, iyadoo dhinaca kalena walaac xoogan ka muujisay inuu xilligan yaraado roobka Soomaaliya.

Sarkaal sare oo u hadlay hay’adda Maraykanka u qaabilsan mucaawimada dibedda ee USAID ayaa Idaacadda VOA u sheegay iney qabaan cabsi ku aadan in markii 4aad oo xiriir ah uu ka yaraado intii la filayay roobka ka da’aya dalkan, taasi oo uu sheegay inaan horey loo arag.

Thomas Solomon oo ah madaxa xafiiska arrimaha bani’aadminnimada hay’adda USAID ee Soomaaliya ayaa waraysiga uu bixiyey ku sheegay in dadka ay haatan abaaruhu saameeyeen Soomaaliya ay dhan yihiin afar milyan iyo shan boqol oo kun oo qof, kuwaasoo loo baahan yahay in gargaar deg deg ag lala soo gaaro.

Dadkaasi oo ay ku jiraan hal milyan iyo afar boqol oo kun oo carruur ah oo nafaqo-darro hayso ayuu sheegay ineysan heysan hoy fiican oo ay kaga gabadaan cadceeda qoraxda iyo qabowga habeenkii, sidoo kalena ay heysan cuno ay cunaan si ay usii noolaadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More