Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhowaad $12 Milyan maanta ku wareejineysa Somaliland

April 04 (Jowhar.com) –Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Somaliland ku wareejineysa lacag kudhow 12 Milyan Dollar oo loogu tala galay in loogu gurmado dadkii ku hantida beelay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Lacagtan ayaa qeyb ka eheyd deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland ee la soo mariyo dowladda Soomaaliya, taasoo mudooyinkan ka xanibneyd.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed oo ka hadlayay madal ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta iyo xubnaha dowladda xilalka ka haya ee ka soo jeeda Somaliland ayaa sheegay in lacagtaasi lagu wareejinayo guddiga loo xil saaray gurmadka dadka ku hantida debka Hargeysa.

“Waa Dhacdo xannuun badan, Suuqa Hargeysa oo 100kii sano u dambeeyay dhismayay oo dhaqaale ku kordhayay in muddo saacado ah ku basbeelo waa wax laga xumaado, innaga mas’uuliyadda baa naga saaran u gurmashada Ganacsatada ku ceydhowday, culeyska Baaxadda uu leeyahay ma dhammeyn karno balse dedaalka yaga ayaan ka qaadaneynaa, lacagta ku dhaw $12 Milyan ayaa toos loogu shubi doonaa waxaana intaas dheer $3 Milyan oo kale oo deeq ah” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Inkabadan 2 Bilyan oo doolar ayaa lagu qiyaasay hantida ku gubatay suuqa, iyadoo suuqaasi oo ku fadhiyay qiyaastii 5KM uu mar kaliya noqday mid baaba’ay, in la xakameeyo dabka waxaa diiday suuqa oo aan leheyn wadooyin ay gali karaan gaadiidka dab damiska.

Si kastaba, Saameynta taban ee Dabka baabi’iyay Hantida taallay Suuqa Magaalada Hargeysa ayaa weli muuqata, iyadoo la furay koontooyin lagu uruurinayo lacagaha deeqda ah ee lagu ceyminayo Dadka ku hanti waayay Dabkaas

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More