Inku Dhow 50 Tahriibayaal ah oo ku dhintey xeebaha dalka Talyaaniga

Aug. 09 (Jowhar.com)- In ku dhow 50 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay doon ku degtay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, sida ay dad ka badbaaday u sheegeen warbaahinta gudaha.

Koox afar qof ah oo ka badbaaday musiibadaas ayaa u sheegay samatabbixiyaasha in ay saarnaayeen doon ka soo shiraacatay magaalada Sfax ee dalka Tunisia kuna sii jeeday dalka Talyaaniga.

Afarta qof ee badbaaday oo asal ahaan kasoo jeeda Ivory Coast iyo Guinea, ayaa Arbacadii gaaray Lampedusa.

In ka badan 1,800 oo qof ayaa ilaa hadda naftooda ku waayey tahriibka ka soo talaabaya waqooyiga Afrika ee u socda Yurub.

Dadka badbaaday oo kala ahaa saddex rag ah iyo qof dumar ah ayaa u sheegay samatabbixiyeyaasha inay saarnaayeen doon ay saarnaayeen 45 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah.

Waxay sheegeen in doonta oo dhererkeedu dhan yahay 7m (20ft) ay ka baxday Sfax Khamiistii todobaadkii hore, laakiin waxay degtay saacado gudahood ka dib markii ay ku dhufatay mowjad weyn.
Kaliya 15 qof ayaa la fahamsan yahay inay xirnaayeen jaakadaha nolosha.

Waxa ay intaa ku dareen in ay soo badbaadiyeen markab xamuul,kadibna loo gudbiyay markab laga leeyahay xeebaha dalka Talyaaniga.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa Axaddii sheegay in laba markab ay ku degeen aaggaas, laakiin ma cadda in markabkani uu ka mid yahay kuwaas.

Maamulka Tunisia ayaa sheegay in Sfax, oo ah magaalo deked ah oo qiyaastii 80 mayl (130km) u jirta Lampedusa, ay tahay marin caan ah oo ay maraan muhaajiriinta u raadsada badbaado iyo nolol dhaanta midda Yurub.
Maalmihii la soo dhaafay, doonyo roondo ah oo Talyaani ah iyo kooxo samafal ayaa soo badbaadiyay 2,000 oo kale oo soo gaaray Lampedusa.

Dalka Tunisia ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka socday mowjado isir naceyb ah oo ka dhan ah dadka madow ee Afrikaanka ah, waxaana sare u kacay isku dayga lagu doonayo in dalkaasi looga dhoofo.

Qaramada Midoobay ayaa diiwaan galisay in ka badan 17,000 oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay badhtamaha Mediterranean-ka tan iyo sanadkii 2014-kii, taasoo ka dhigaysa tahriibka ugu halista badan ee isaga kala goosha caalamka.

Bishii la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu Tunisia la saxiixday heshiis $118m (£90m) ah si loo xakameeyo socdaalka “aan caadiga ahayn”.

Lacagta ayaa lagu wadaa in lagu bixiyo dadaallada lagu joojinayo tahriibka, xoojinta xuduudaha iyo soo celinta muhaajiriinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More