Maxkamada Banaadir oo xabsi ku xukuntay nin lagu helay dambi ah turufo iyo Sixir

Aug. 09 (Jowhar.com)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday nin la sheegay in lagu helay dambi ah inuu ku shaqeeysanayay Sixir iyo Turufo.

Ninkaan oo lagu magacaabo Abuukar Maxamed Xasan Shooble ayaa lagu helay inuu dumar badan uu kufsi kula kacay isagoo Muuqaalo Anshax xumo ah ka duubay waxaana la soo qabtay kadib markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir kusoo dacweeyeen qaar kamid ah dadka uu dhibaateeyay.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa sheegay in bilawgii sanadkaan baaris uu sameeyay lagu ogaaday falal faaxisho ah oo uu sameeyay Abuukar Maxamed Xasan Shooble oo ay dhibanayaal u yihiin Haween badan oo uu kula kacay kufsi iyo in uu muuqaalo ka duubay, isaga oo adeegsanaya taleefoono casri ah.

Haweenka qaarkood ayaa maxkamadu sheegtay in uu ka helay lambaradooda Baraha Bulshada halka qaarkood uu la raacay Gawaarida dadweynaha ee Bi’eelka loo yaqaano.

Xeer ilaaliye kuxigeen Xiis ayaa Maxkamadda dalbaday in cadeymaha ay soo gudbiyeen darteed eedeysanaha loo ciqaabo falalka xun uu u geystay dhibanayaasha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Makxmadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan oo fadhiga Maanta soo xiray ayaa ku dhawaaqay xukunta lagu riday Abuukar Maxamed Xasan Shooble oo ah 10 Sano oo xabsi ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More