Isra’iil oo amartay in laga guuro isbitaal weyn oo ku yaal magaalada Qaza

Oct 29 (Jowhar.com)-Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza ayaa sheegtay in Israa’iil ay u sheegtay inay isaga guuraan magaalada Al-Qudus oo ah isbitaal muhiim ah oo ku yaalla magaalada Gaza.

Marwan Jilani, oo ah agaasimaha guud ee hay’adda bisha cas ee Falastiin, ayaa sheegay in agagaarka isbitaalka madaafiic lagu soo weeraray, taasoo argagax ku beertay dad badan oo barakacayaal ah oo ku hoyday halkaas.

Ururka ayaa sheegay in ay jiraan bukaano ku jira qaybaha daryeelka degdega ah iyo caruur ku jira qalabka wax lagu neefsado, raritaankoodana aysan ah mid macquul ah.

Ku dhawaad ​​14,000 oo rayid ah ayaa sidoo kale la fahamsan yahay in ay gabaad ku yihiin isbitaalka iyo dhismihiisa.
Madaxa WHO, Dr Tedros ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in aysan suurtagal ahayn in bukaannada laga saaro cisbitaalka Al-Qudus iyada oo aan la gelin khatar.

Qubanayaal ku saabsan wararkii u dambeeyay ee dagaalka Qaza.

Toban baabuur oo siday sahay gargaar ayaa loo ogolaaday inay galaan Gaza oo laga keenay Masar – maalin kadib markii kumannaan kun ay jabsadeen bakhaarro si ay u qaataan sahayda aasaasiga ah.

Warbaahinta Israa’iil ayaa goor sii horreysay sheegtay in diyaarad ka timid Israa’iil ay qasab ku noqotay in ay ka leexato goobtii ay markii hore ku socotay ee Makhachkala, ee Jamhuuriyadda Dagestan ee Ruushka, ka dib markii kooxo dibad-baxayaal ah oo taageersan Falastiin ay galeen garoonka iyagoo u muuqday kuwo raadinaya Israa’iiliyiin.Waxaa la hakiyay dhamaan duulimaadyadii garoonka, waxaana goobta soo gaaray ciidamada ka hortaga rabshadaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Hossein Amirabdolahian ayaa beeniyay eedeymaha ku saabsan in Iran ay si toos ah ugu lug lahayd weerarkii 7-dii October ee kooxda Xamaas, isaga oo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah la gaarsiiyo Gaza oo ay dagaalladu aafeeyeen.

Ergeyga Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay Falastiin, Riyad Mansour ayaa ku tilmaamay golaha ammaanku uu gabi ahaanba mid curyaan ah oo aanan gudan waajibaadkiisa gaar ahaan xaqiijin xabbad-joojin ka dhacda marinka Gaza.

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay koonfurta bari ee Lubnaan ku soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee ay leeyihiin ciidamadaIsraa’iil, iyadoo adeegsanaysa gantaalaha cirka, taasoo keentay inay ku burburto gudaha dhulka Israa’iil.

Iska horimaad hubeysan ayaa ka dhacay dhinaca galbeed marinka Qaza gaar ahaan isgoyska Erez, Xamaas ayaa sheegtay in ay dhowr jeer weerareen ayna dileen tiro askar ah oo Israa’iiliyiin ah. Israa’iiliyiinta ayaa sheegaya in sarkaal iyo askari ay si xun u dhaawacmeen.

Israa’iil ayaa duqeymo ka waday Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar weerarradii Xamaas ee ay ku dhinteen 1,400 oo qof ayna arkeen 230 qof oo la qafaashay.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan 8,000 oo qof lagu dilay tan iyo markii Israa’iil duqeymo aargoosi ah ay bilowday.

Xigasho;Aljazeera

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More