RW Xamsa;”Miisaaniyada cusub waxaa lagu kordhiyay shaqaaleysiinta lix kun oo macalimiin ah”

Oct 29 (Jowhar.com)-Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in miisaaniyadda cusub ee dhawaan la ansixiyey ay kamid yihiin shaqaaleysiinta 6-kun oo macallimiin ah, kuwaas wax baraya ubadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay madal lagu xusuusanayey, looguna ducaynayey shuhadadii naftooda ku waayey weerarkii 29kii Oktoobar, ayaa ku ammaanay guud ahaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed sida ay ugu baraarugsan yihiin dhagarta cadowga baneystay daadadin dhiiggooda.

“Duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo deg-deg ah oo ay kamid yihiin dagaalka cadowga looga sifeynayo dalka.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay naxariistiisa Janno in uu ka waraabiyo shuhadadii naftooda ku waayey falkaas argagixiso, waxuuna hoosta ka xariiqay in aan looga hari doonin daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed kooxaha dhagar-qabayaasha ah oo laga xoreeyey deegaanno badan oo dalka ah.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More