Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dishay nin nabadoon ahaa

April 17 (Jowhar.com) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo hubeysan ay  Xaafada NBC ee degmada Hodan ugu geysteen nin nabadoon ahaa, iyadoo ragga toogashadan fuliyay ay goobta isaga carareen.

Nabadoonka la toogtay oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore) ayaa Isbitaalka Erdogan ee (Ex Digfeer) ugu geeriyooday dhaawaca daran oo ka soo gaaray rasaasta oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, iyadoo ,markii danbena meydkiisa la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in nabadoonka la dilay uu ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Ergada dhawaan soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo kooxda Shabaab hore ugu hanjabtay iney beegsan doonto cid kasta oo kalain ku leheyd doorashada.

Ciidamo boolis ah uu watay taliyaha saldhigga degmada Hodan Xuseen Cadceed oo tagay  Xaafada NBC oo ah goobta dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgal baaritaana ah walow uusan ku guuleysan inuu soo qabto kooxihii weerarkan ka danbeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More