Kulanka Banbaxa ee Wasaarada Qorsheynta iyo Maalgashiga oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Oct 30 (Jowhar.com)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh (Beenebeene).

Ayaa shir gudoomiyay kulanka banbaxa Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay ku yeesheen magaalada Muqdisho labadii maalin ee la soo dhaafay (29-30ka Oktoobar, 2023), si loo dar-dargeliyo horumarinta qorshaha wasaaradda.

Banbaxa ayaa si guud diiradda loogu saaray arrimo istaratiiji u ah Wasaaradda iyo wax-qabadkeeda oo ay ka mid yihiin; Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda, u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka, isku-dubbaridka deeqaha caalamiga ah, xoojinta iyo tayeynta karaanka wasaaradda, iskaashiga guud, hannaanka kormeerka iyo qiimeynta qaranka, bahwadaagta horumarinta iyo qorsheynta dhaqaalaha deyn-cafinta kadib.

Kulanka banbaxa ayaa hoosta looga xariiqay baahida loo qabo dar-dargelinta fulinta waajibaadka Wasaaradda iyo in sare loo qaado kartida wasaaradda oo horseedi doonta isku duwidda Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha (QHDH), si loo xaqiijiyo horumar dhaqaale oo waara.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More