Laba muwaadin oo Soomaali ah oo lagu dilay Koofur Afrika, dhacna loo geystay ganacsigooda

Nov 09 (Jowhar.com)- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay ka dhacay  deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika, iyadoo weerarkaasi lagu dilay laba muwaadin oo Soomaaliyeed.

Muwaadiniintan oo ganacsato ahaa waxaa lagu dilay deegaanka Philippi oo kamid ah deegaanada hoostaga Cape Town, waxaana dilkood ageystay burcad madow Koofur Afrikaan ah.

Labada marxuum oo dhalinyaro ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin, sida innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in burcada ay dhac u geysteen dukaanka muwaadiniinta oo ay ka qaateen agab fara badan oo muhiim ah, sida ay  ku warameen dadka deegaanka ah.

Majirto wax war ah oo dowladda Koofur Afrika ay kasoo saartay dilkan, iyadoo ciidamada booliska ay daqiiqado kadib tageen goobta, waxeyna kasoo qaadeen meydadka, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaasha.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay weerarada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayada oo bishaan gudaheeda lagu dilay illaa sideed muwaadin oo dalkaasi u shaqo tagay, taas oo muujineysa inuu sii kordhinayo beegsiga lagu hayo Soomaalida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More