Xuutiyiinta Yemen oo soo riday diyaarad wax basaasta oo Mareykanku leeyahay

Nov 09 (Jowhar.com)-Fallaagada xuutiyiinta Yemen oo taageero ka hela Iiraan ayaa soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo uu Mareykanku leeyahay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah iyo xuutiyiinta.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ay diyaaradda nooca MQ9 ku soo rideen xeebaha Yemen.

Tallaabadan waxaa xaqiijiyay afhayeenka milateriga Xuutiyiinta dalka Yemen.

Tani ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Washington ay ka feejigan tahay dhaqdhaqaaqyada kooxaha ay Iran taageerto ee Bariga Dhexe, iyadoo xulafadeeda dhow ee Israa’iil oo si weyn uga soo horjeeda Tehraan ay ururka Xamas kula dagaalameyso Qasa.

Fallaagada Xuutiyiint Yemen, waxay taageero buuxda ka heystaan Iiraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More