Madaxweynaha Galmudug oo balanqaad u sameeyay gudoomiyaha hay’ada SODMA.

Dec. 05 (Jowhar.com) -Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo kusugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Madaxtooyada Galmudug kula kulmay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makkaawi.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA ayaa madaxwaynaha iyo wasiirka kaga warbixiyay shaqada hay’adda ee ku aadan ka jawaabista xaaladdaha deg degga ah iyo maareynta xaaladdaha la xariira abaaraha, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Madaxwaynaha la wadaagay deeq raashin ah oo dhawaan la gaarsiin doono degmada Baxdo.

Madaxawayanaha Galmudug ayaa hay’adda SODMA u ballanqaaday xarun ay ku shaqayeen oo dhawaan laga dhagax dhigi doono Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda Galmudug.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More