Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Nuur gacal, Xildhibaano, Wasiiro iyo xubno kale.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, isagoo u joogay dadaalka loogu jiro xal ka gaarista khilaafka doorashada dalka iyo ka qeyb galka Shirar looga hadlayo sidii xal buuxa Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay u gaari lahaayeen.

Dastuurka u yaalla dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhigaya in Madaxweynaha maamulka uusan degaanka ka maqnaan karin 45 cisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ku sugan inta kale madaxda dowlad goboleedyada dalka iyagoo u jooga kulamo ay la yeelanayaan madaxda dowlada federalka si looga gaaro heshiis arrimaha khilaafku ka taagan yahay ee doorashada dalka Soomaaliya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More