Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlawe oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta Mudane Dr Multaq Al-qahtani.

Kulankaan intii uu socday waxa ay ka wada hadleen xaaladaha dalka, arrimaha Doorashooyinka oo muhiimada ay tahay in doorashooyin wada ogol ah ay dhacaan Iyo in Hirshabeelle ka caawin doonaan ka faa’ideysiga mashaariicyo bulshada wax tar u leh.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa la filayaa inay la kulmaan Wafdiga dowladda Qatar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More