Safiirka Midowga Yurub oo ku baaqay in Ciidamada Milatariga laga saaro Muqdisho
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa ku baaqay in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo uu soo saaray danjiraha ayaa waxaa uu ku sheegay in dadka raba inay door wanaagsan ka qaataan doorashada loo baahan yahay inay ku taageeraan Ra’iisul Wasaaraha shaqooyinkiisa muhiimka ah
Berlanga ayaa sheegay in Muqdisho lagu kala qeybiyo maleeshiyo oo ka baxsan qadka Taliska Ciidamada amniga aysan caawineyn Shacabka Soomaaliyeed.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidamo Milatari ah oo ka kala yimid gobolada Shabeelooyinka kuwaasi oo ka soo horjeeda muddo kororsiga dhawaan uu baarlamaanka ka noqday.
Hase yeeshee waxaa hore ugu baaqay in xeryahooda ku laabtaan Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay inuu dhisayo guddi gaar ah oo arimaha cidamada ka shaqeeya.