Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu soo dhaweeyay magaalad Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Cali Cabdulaahi Xuseen iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport kusoo dhoweeyay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya,

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Wasiiro Senatorada cusub ee dhowaan lagu doortay magaalada Jowhar Xildhibaano Golaha Shacabka Xubno isugu jira labada gole ee Dowlada Hirshabeelle Siyaasiyiin Bahda fanka iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweeyntii diiraneyd ee loo sameeyay isagoo u mahadceliyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More