Madaxweynaha Hirshabelle oo madax sare kulan afur u sameeyay caawa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada muqdisho.

Kulan afur ah ugu sameeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” Midowga Musharixiinta iyo xubno Wasiiro ah.

Kulankaan waxaa diirada lagu saarayay amniga iyo xasilinta Magaalada Caasimada ee Muqdisho, sidoo kale Kulankaan waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay qabsoomida Doorashoooyin la isla ogolyahay oo si nabdoon ku dhaca.

Dowladda Hirshabelle waxay soo dhoweyneysaa shirka uu Raisul Wasaaraha Xukuumada isugu yeeray Dowlad Goboleedyada waxaana marwalba ay diyaar u tahay ka shaqeynta danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More