Madaxweynaha Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho iyo xarig jar uu sameynayo.

June 09 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan oo diyaarad gaara siday waxaa soo dhaweehay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kamida golihiisa wasiirada, iyadoo soo dhaweynta ay qeyb ka ahaayeen taliyayaasha ciidamadda qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha JFS ayaa waxay wadajir xarigga uga jari doonaan isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Xarunta Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga (AGA) oo bishii Febraayo sanadkii 2015 labaduba dhagax dhiggeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa qeyb ka ah Mas’uuliyiinta xarigga ka jaraya xaruntaas sida ay ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen.

Munaasabada caleema saarka ayaa la filayaa iney goordhow furanto, iyadoo Madaxda kale ee la sugayo ay kamid yihiin; Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Malaysia iyo dalal kale.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More