Ra’iisul wasaaraha dalka Masar Mustafa Madbuuli oo soo gaaray Muqdisho.

June 09 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mustafa Madbuuli iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan oo u yimid magaalada ka qeyb galka caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalla Xasan Sheekh Maxamuud waxaa garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kamida golihiisa wasiirada.

Wafdigan waxaa loo galbiyay goob loo diyaariyay, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mustafa Madbuuli ka mahad celiyay sida heerkeeda sareeya ee loo soo dhaweeyay, iyagoo kulan kooban oo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal la yeeshay wasiirka koowaad ee xukuumadda Rooble.

Madaxda kale ee la sugayo waxaa kamid ah; Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Malaysia iyo dalal kale.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More