Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo gaaray degmada Qardho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Ujeedada booqashada Madaxweyne Deni ee magaalada Qardho ayaa ahololaha doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanada Qardho,Eyl iyo Ufeyn oo 25ka bishan dhacaysa.

Xisbiga KAAH ee uu hoggaamiyo madaxweyne Deni ayaa ka mid ah xisbiyada ku tartamaya doorashadan iyadoo la rumeysan yahay in xisbiga KAAH uu yahay kan ugu badan ee heli doona kuraasta loo tartamayo.

Dhinaca kale Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah ee codbixiyaasha doorashada qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Tirada guud ee dadka codkooda ka dhiiban doona doorashada saddexda degmo ayaa ah 37,578 qof.
Degmada Qardho waxaa codkooda ka dhiiban doona 20,620 qof, halka Degmada Eyl ay codkooda ka dhiiban doonaan 8,671 qof.
Doorashadan oo ah mid hordhac ah, waxaa ku tartami doona 9 urur siyaasadeed, waxayna dhici doonta 25-ka bishan Oktoobar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More