Madaxweyne Deni oo maanta la kulmaya Isimada Puntland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Siciid Cabdulaahi Deni iyo Isimada Puntland ayaa lagu wadaa inay maanta ku kulmaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kulankan ayaa lagu wadaa in loogaga wadahadlo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Ciidamada PSFta iyo Maamulka Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in Isimadu aqbaleen codsiga Madaxweynaha, islamarkaana ay dhowaan kulmi doonaan labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa doonaya xal laga gaaro khilaafka sababay gacan ka hadalka ee dad badan waxyeelo ka soo gaartay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More