Maraykanka oo hakiyay gargaarkii uu siinayay dowlada Sudan

Mareykanka ayaa hakiyay $700m oo gargaar ah oo uu siin jiray Suudaan ka dib markii ay militariga la wareegeen, waxayna ku boorisay in si degdeg ah loo soo celiyo dowlad rayid ah.

“Dowladda ku meel gaarka ah ee ay hogaaminayaan rayidka waa in si deg deg ah loo soo celiyaa, oo ay mataleysaa rabitaanka shacabka,” afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen ugu yaraan 80 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii ay toogteen ciidamada ammaanka intii ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo la wareegidda militariga.

Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Khartoum iyo magaalada mataanaha ah ee Omdurman ka dib markii subaxnimadii hore ee saaka ay xireen raโ€™iisul wasaare Abdalla Hamdok iyo saraakiil sare oo kale ciidamada ammaanka ee dalkaas.
Xamdok ayaa loo geeyay meel aan la shaacin ka dib markii uu diiday in uu soo saaro bayaan uu ku taageerayo afgambiga.

Guddoomiyaha guddiga talada haya ee Suudaan Jeneraal Cabdifataax al-Burhaan ayaa markii dambe ku dhawaaqay in la kala diray xukuumadda ku-meelgaarka ah iyo golaha madaxbannaanida wuxuuna ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo waddanka oo dhan ah.

Afgambigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo todobaadyo ka hor ay ciidamadu doonayeen in ay hoggaanka golaha shacabka ku wareejiyaan dadka rayidka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More